Magaalooyinka Puntland oo Bandow xiligga Habeenkii ah galaya.

Published: April 1, 2020

Guud ahaan Magaalooyinka Puntland ayaa caawa laga bilaabo 6da Maqribnimo saacada Geeska Afrika waxay galli doonaan Bandow ay dowladu soo rogtay kaas oo la sheegay in uu socon doono mudo 14 casho, talaabadaan ay dawladu qaadayso ayay ku sheegtay in looga hortagayo cudurka dunidda kusii faafaya ee Covid-19.

Ciidamada Amaanka yaa si isku mid ah uga hawl-geli doona guud ahaa Magaaloyinkaas, waxaana si rasmi ah dawladu ay alabaabada isugu laabtay Goobaha bulshadu isugu timaado sidda Meheradaha, Garoomada Kubada Cagta, Meelaha Ciyaaraha lagu daawado, Garoomada kubadda Cagta, Sidoo kale waxaa la joojiya Shirarka, Siminaarada, Aroosyadda iyo guud ahaan isu imaatinka Bulshada.

Dawladu waxa sidoo kale mamnuucday qaadka, Waxayn sheegtay dhamaan cidii jabisa awaamiirta in talaabo sharcigga Waafaqsan laga qaadi doono,

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *