Raysal-wasaarihii Hore ee Soomaaliya Nuur Cadde oo Geeriyooday.

Published: April 1, 2020

Sida ay xaqiijiyeen Qoyska Marxuumka Raysal-Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen { Nuur Cadde } ayaa 7dii subaxnimo ee Saaka waxa uu ku geeriyooda Cusbitaalka Kings College ee Magaalada London.

Nuur Cadde ayaa 17 March la dhigay cusbitaal ka dib markii uu haleelay Cudurka Dunidda kusii fidaya ee Carona-Virus ama Covid-19, Qoyska ayaa waydiisatay Ummada Soomaaliyeed in ay usoo duceeyaan Marxuum Nuur Cadde.

Nuur Xasan Xuseen ayaa si wayn siyaasada Soomaaliya loogu yaqiinay, Sanadihii 2007-2009,dowladdii Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf Axmed ayuu Raysal-wasaare kasoo noqday, Sidoo kale waxaa uu danjire ka noqday Wadamada Yurub.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *