Somaliland oo xaqiijisay Kiisas la xiriira Cudurka Cvid-19.

Published: April 1, 2020

Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in gudaha Somaliland laga helay laba kiis oo la xiriira caabuqa Covid-19, Wasiirka Caafimaadku waxa uu tilmaamey in caabuuqaan laga helay dad horay looga shakisanaa oo baaritaan lagu sameeyay.

Labada qof mid ka mid ah ayaa u dhashay Dalka China waxa uuna ku sugnaa Magaalada Berbera, Halka qofka labaadna uu yahya muwaadin reer Somaliland ah oo ka yimi Dalka Uk waxa uuna ku sugan-yahay Magaalada Burco.

Somaliland waxay sheegtay in xaalada labadaan qof ay wanaagsan-tahay sidoo akle ay haystaan adeegyada ay u baahan-yihiin, goobo gaar ah lagula tacaalayo xaaladooda.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *