Afghanista oo 40 Sanno Ka dib Dib Loo Bilaabay Soo Saaritaanka Gaaska

Published: April 2, 2020

Dowladda Afghanistan ayaa bilowday soo saaritaanka Gaaska dabiiciga ah ceelal cusub oo laga helay gobolka waqooyiga dalkaasi ku yaal ee Jawsaan.

Ku-simaha Wasirka Macdan iyo batroolka Enayatullah Momand ayaa sheegay inay tahay markii u horraysay muddo 40 sanno ah ay soo saaraan Gaas dabiici ah

“Waxaanu soo saarnay 15,000 Mitir cubic oo gaas ah, waana bilow” ayuu yiri Wasiirku

Wuxuu sheegay in dowladu ay sanadkii ka heli doonto soo saarista iyo qaybinta Gaas lacag dhan 8.5 Milyan oo dolarr, waxaa kaloo uu sheegay in abuurmi doonaan boqolaal shaqooyin ah iyo mashaariic kale oo horumarineed.

Waxaa la aamisan yahay in dalkaasi Afganistaan uu ku jiro khayraad lagu qiyaasay 900 Bilyan oo dollar, hase yeeshee xukuumadda Afghanistan ayaa iyadu sheegtay in khayraadka dalkaasi uu gaarayo 3000 kun oo bilyan oo dollar.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *