Ciidamada Xoogga dalka oo Xudur ku dilay horjooge ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Published: April 2, 2020

Ciidamada xooga dalka ee ku sugan degmada Xudur ayaa maanta toogasho ku dilay mid ka mid ah horjoogayaasha Al-shabaab Sida ay baahiysay Wakaalada Wararka ee SONNA, Sidoo kale waxay weerarkaan ku sheegeen in lagu dhaawacay rag ka tirsan isla Alshaab.

Dagaalka oo dhex maray Ciidamada Dawlada iyo Malayshiyaadka Alshabaab ayaa ka bilaabmay ka dib markii la qafaashay 3gaadiid mooto bajaaj ah iyo ragii watay.

Maxamed Isaaq Cali oo ah sarkaal ka taliska guutada 9 aad ayaa sheegay in howlgalkaasi ay ku dileen horjoooge,isla markaana lagu dhaawacay 2-kale,ka dib kolkii ay meel 30-km u jirta degmada Xudur ay uga dabatageen kooxdaasi oo afduubtay mootooyinkaasi Bajaajka ah.

Sarkaalkaasi ayaa sheegay in ay howlgalkaasi ku soo  furteen qori Ak 47 ah iyo rasaas ,waxayna ciidamada gacanta ay ku soo dhigeen mootadii iyo darawalkii u afduubnaa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *