Kenya ayaa 5000 Kun oo Maxbuus sii Daynaysa

Published: April 2, 2020

Gollaha Cadaalada qaranka Kenya ee NCAJ ayaa wadaxaajood iyo wadahadalo kadib waxay sheegtay in xabsiyada dalkaasi laga sii daynayo maxaabiis tiradoodu gaarayso 5000 kun.

Golluhu wuxuu sheegay in muddo 14 maalmood ah karantiil la gelin doono maxaabiista la sii daynayo ka hor inta aan loo ogolaan inay degaanadoodii iyo guryahoodii dib ugu laabtaan.

Maxaabiistan oo u badan kuwo galay dambiyo fudud ayaa faafitaanka cudurka coronavirus dartiis looga sii daayay xabsiyada sida ay sheegeen gollaha cadaalada wadankaasi.

Dhinaca kale, Kenya waxay sheegtay inay gebi ahaanba la joojiyay booqashooyinkii eheladu ugu tegi jireen maxaabiista, sidoo kale la joojiyay dhaqdhaqaaqii iyo isdhexgalkii maxaabiista ku jira xabsiyada.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *