Kiisaskii u Horreeyay ee Coronavirus oo Laga Helay Burundi

Published: April 2, 2020

DowladdaBurundi ayaa xaqiijisay in dalkeeda laga helay labo kiis oo ah cudurka Coronavirus ee saameeyay Caalamka guud ahaan.

Wasiirka Caafimaadka ee Burundi Thadée Ndikumana ayaa sheegay in labada qof ee laga helay cudurka ay yihiin muwaadiniin u dhashay burundi oo da’doodu ay tahay 56 jir iyo 42 jir.

Wuxuu sheegay in labada qof ee cudurka laga helay ay socdaal ku tageen wadamada Imaraadka iyo Ruwaanda ka dibna ay dib ugu soo laabteen dalka, Waxaa kaloo u sheegay in labada qof hadda lagu hayo cusbitaalka Bumerec ee caasimadda Bujumbura.

Burundi waxay ka mid tahay wadamada Somaliya u soo diray ciidamo nabad ilaalinta ee Midowga afrika ee AMISOM, waxaan ka jooga kumaankun askari.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *