Madaxweyne Farmaajo oo cafis u fidiyay 148 maxbuus oo ku xukunnaa dambiyo fudud.

Published: April 2, 2020

Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Madaxweynaha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Cafis Madaxweyne u fidiyey 148 maxbuus oo u xukunnaa dambiyo fudud, Talaabadaan ayuu madaxweynuhu u qaaday cudurka dunida kusii faafaya ee Covid-19 dartiis.

Madaxweynaha ayaa soo saaray xeerka cafinta xukumaneyaashan kaddib warbixin ku saabsan xaaladda maxaabiista dalka oo uu u soo gudbiyey Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Abuukaate Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray Taliska Asluubta Soomaaliyeed oo kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka in ay dadaal mug weyn geliyaan badqabka caafimaad ee maxaabiista ku jira xabsiyada dalka, si looga hortago halista caafimaad oo ay u nugul yihiin.

Si waafaqsan Qodobka 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu Madaxweynuhu xukumaneyaashan u fidiyey Cafis Madaxweyne, iyada oo la xaqiijiyey in dhammaantood aysan u xukunneyn falal danbiyo culus” ayaa lagu yiri war-saxafadeedkaan

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *