Maraykanka oo si looga hortaggo Cudurka C0vid-19 7 Million oo dollar ugu deeqay Soomaaliya.

Published: April 2, 2020

Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday taageero lacageed oo gaareysa 274 Milyan oo gargaar degdeg ah iyo kaalmo bani’aadanimo uu Mareykanka ugu deeqay dalalka baahida weyn u qaba si ay ula tacaalaan cudurka Craona-Virus ee dunidda kusii faafaya.

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in Soomaaliya ay lacagtaas ka heli doonto 7 milyan oo doollar.

Lacagtan ayaa lagu bixin doonaa arrimaha caafimaadka iyo biyaha, si wax looga qabto, waana kaalmadii u horeysay ee Mareykanka u balan-qaada Soomaaliya, kaddib uu caalamka ka dilaacay cudurka saf marka noqday ee Coronavirus.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan dalbatay lacag gaareysa 5-milyan oo dollar, si wax looga qabto cudurka Coronavirus, waxaana dowladdu ku dhawaaqday illaa saddex kiis oo cudurka, kaasoo mid ka mid ah markii dambe labo baaritaan isku xiga oo la marsiiyay, isla markaana 14 maalmood meel ku karantiilnaa laga waayay cudurka, lana fasaxay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *