Puntland: 300 Askari oo Tababar Loogu Soo xiray Qardho

Published: April 2, 2020

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo uu weheliyo wasiirka Amnigga Puntland Cabdisamed Gallan, Taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland Gen Yaasiin Cumar Dheere iyo la taliyaha dhanka Amnigga Madaxweynaha Puntland Gen Kahlii Ciise Mudan ayaa xeradda tababarada ciidamada ee Xorgoble Qardho waxay tababar ugu soo xireen ku dhawaad 300 askari oo mudo 6 bilood ah uu socday tababarku.

Saraakiishii iyo madaxdii munaasabda ka hadlay ayaa si wayn xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Deni ugu amaanay sidii loo tira-koobay loona tayeeye ciidamada, sidoo kale waxay sheegeen in ciidamadaan ay qaateen casharo kala duwan ayna diyaar u yihiin in ay dalkooda iyo dadkooda u shaqeeyaan.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ciidamada kula dardaarmey in ay gutaan waajibaadkooda shaqo sidoo akle waxa uu tilmaamey in dawladu ay waddo qorshayaal lagu dhisayo ciidamada laguna tayaynayo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *