USA: 1000 Qof oo u dhintay Coronavirus 24 Saac Gudahood

Published: April 2, 2020

Tirada dadka u dhintay cudurka coronavirus dalka maraykanka 24 saac ee la soo dhaafay ayaa gaadhay 1000, iyadoo tirada guud ee dadka u geeriyooday cudurku ay gaadhayso 5,000 qof.

Dadka u dhintay cudurka waxaa ka mid ah canug yar oo 6 tobaad oo kaliya jiray, iyadoo tirada dadka uu soo ritay cudurka ay haantan gaadhay 216,000 kun

Mareykanka ayaa noqday dalka ugu xun ee caalamka oo COVID-19 saameeyay.

Maamulka Trump ayaa sheegaya in ay hayaan qalab ku filan la tacaaliyadda cudurkan kaas oo qiimahiisu gaarayo 16bn oo dollar, hase ahaatee, qaar kamid ah gobolada Mareykanka waxaa ka soo yeereysa qaylo dhaan ah in qalabkii lagu dagaalami lahaa xanuunka uu gabaabsi yahay.

Magaalada New York, ayaa noqotay meesha ugu daran oo xanuunkan saameeyay 25,000 oo ruux ayuu hal maalin oo qura soo riday cudurka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *