Mada xweynaha Puntland oo Isbedel Ku Sameeyay Taliyayaashii Booliiska Nugaal, Mudug iyo karkaar

Published: April 4, 2020

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni wixii isbedel ku sameeyay taliyayaashii ciidamadda Booliska ee goboladda Nugaal, Karkaari iyo Mudug.

Madaxweynuhu wuxuu isku bedelay taliyaashii Booliiska ee goboladda Nugaal iyo Mudug, waxaa kaloo uu taliye cusub u magacaabay gobolka Karkaar.

G/sare Muumin Cabdi Shire ayaa loo magacaabay Taliyaha cusub ee Qaybta Booliska Gobolka Mudug, isagoo hore u ahaa taliyaha booliiska gobolka Nugaal.

Waxaa G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal, isagoo hore u ahaa taliyaha booliiska gobolka Karkaar.

Wareegtada madaxweynaha Waxaa G/sare Cabdi Casayr Yusuf loogu magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.

isbedelka madaxweynuhu ku sameeyay taliyayaasha ciidamada booliiska gobolada waxay ku soo aadaysaa maalmo ka hor markii bartamaha magaaladda Garoowe Qarax ismiidaamin ah lagu dilay guddoomiyihii gobolka Nugaal.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *