Maxkamadda Ciidamada oo Xukuntay Rag Dil Ka Gaystay Magaalada Dhuusa-mareeb.

Published: April 4, 2020

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa dil toogasho ah ku xukuntay, Maxamed Cabdi Nuur Geeddi (Madax-yareey) oo horay u dilay Marxuum Shaafici Cabdi Xaaji Diiriye oo ka mid ahaa dhalinyarada Magaalada Dhuusa-mareeb.

Maxkamadda ayaa sidoo kale Shan Sano oo xabsi Ciidan ah ku ridday, Maxamed Cabdiwali Xasan (Boqol) oo ay ka billaabatay shaqaaqadii lagu dilay marxuumkaas.

Dilkaas ayaa ka dhacay Degmada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug 28 kii Maarso ee Sanadkan 2020-ka. waxa uuna ka bilaabmay muran dhex-may ragaan la xukumay oo ilaalo u ahaa mid ka mid ah xildhibaanada DFS ee ku sugnaa dhuusa-mareeb.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *