Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay xaruntii EX Baarlamaan oo laga hirgelinayo.

Published: April 5, 2020

Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa maanta dhagax dhigay xaruntii taariikhiga ah Ex Baarlamaan ee degmada Boondheere.

dhagax dhigaan ayaa ahaa mid ay dowladda Hoose ee Xamar ugu tala gashay in dib u dayactir iyo qurxin lagu sameeyo xaruntan si bulshada ay ugu soo dalxiis tagaan ugana bogtaan taariikhda goobtaan oo ah xaruntii Baarlamaankii ugu horeeyay ee Jamhuuriyda Soomaaliya ee 1960.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ay wehliyeen kuxigeenkiisa iyo Maareeyaha Guud ee Wakaaladaha Dhismaha ayaa waxay sheegeen in xaruntan ay tahay meel taariikhi ah oo wixii hadda ka dambeeya dadka u soo dalxiisi doonaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *