12 Alshabaab ah oo Lagu dilay Degaanno Hoos yimaado Janaale

Published: April 6, 2020

Dowladda federaalka ayaa sheegtay in Howlgal ciidanka Milaterigu ay ka sameeyeen tuulooyinka Buulo urunji, Malable, Siigaale, iyo Busleey, oo hoosyimaado degaanaka janaale ee gobolka Shabeelaha hoose  ay ku dileen 12-maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo ku dhuumaaleeysanayay degaanadaasi.

Madaxa howlgelinta Ururka 84-aad Xoogga Dalka Laba Xidigle Saciid Xuseen ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay inay ciidanka ay ka war heleen in maleeshiyaadka alshabaab ay ku dhuumaaleeysanayaan beero dad shacab ah ay leeyihiin oo ku yaala degaanadaasi.

Wuxuu sheegay in maleeshiyaadka alshabaab inay gaarsiiyeen jab xooggan islamarkaasna ay soo bandhigayaan cadaymo muujinaya khasaaraha la gaarsiiyay.

Dhinaca kale, Duqayn  ay si wadajir u fuiliyeen ciidammada Soomaaliya iyo taliska Maraykana ee Africa loona yaqaan AFRICOM kana dhacday  degaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa lagu dilay 8-ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *