Deni oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Danjire-Dhigic Dhigic

Published: April 6, 2020

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Dowladda iyo kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Danjire Maxamed Cumar Jaamac Dhigic-Dhigic oo xalay geeriyoodey.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa uga tacsiyeeyey geerida marxuum Ambassador Maxamed Cumar Jaamac Dhigic-Dhigic ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay.

“Waxaan ka tacsiyaynayaa Geerida Alle ha u naxariistee Ambassador Maxamed Cumar Jaamac Dhigic-Dhigic oo runtii ahaa shakhsi muddo dheer dalka kasoo shaqeeyey, Wasiir Wasaarado badan kasoo noqday, muddo dheer ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Belgium, sidoo kale burburkii ka dib aasaaskii Puntland door muhiima kulahaa”.

“Waxa uu kamid ahaa Madaxdii Puntland kusoo laabatay ee qaybta ka ahayd dhismaheedii. Maxamed Cumar Jamac Alle ha u naxariisto, samir iyo iimaanna Alle hakasiiyo dhammaan qaraabadii, eheladii asxaabtii iyo intii taqaaneyba” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *