Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo amray in dacwadaha ciqaabta lagu dhagaysto hab Maqal iyo Muuqaal ah.

Published: April 6, 2020

Baashe Yuusuf Axmed Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka ayaa soo saaray go’aano cusub oo la xiriira xakameynta cudurka Covid-19 isagoo amray in dacwadaha ciqaabta lagu dhagaysto habka casriga ah ee Maqal iyo Muuqaalka.

War Saxaafadeed uu soo saaray guddoomiyaha Maxkamada Sare ayuu ku faahfaahiyay go’aano cusub kuwaasoo la xiriira sidii loogaga hortagi lahaa fidista Coronavirus ayna u sii socon lahaayeen dhagaysiga dacwadaha.

Qoraalkan ayuu ku sheegay guddoomiye Baashe in la kordhiyay hakintii dhagaysiga dacwadaha aan ahayn kuwa ciqaabta,isla markaana dacwadaha yaryar xal loogaga gaarayo saldhigyada booliska

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *