Kiiska Gabdhihii Yaryaraa ee Lagu Kufsaday Afgooye oo loo Gudbiyay Xeer Ilaalinta

Published: April 6, 2020

Xeer Ilaaliyaha Guud ee federaalka ayaa sheegay in xafiiska xeer Ilaalinta Qaranka ay soo gaartay dad lagu soo eedayay kiiskii labadii gabdhood ee lagu kufsaday Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Saleebaan Maxamed Maxamuud Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa hoosta ka xariiqay in goordhaw loo fadhiisan doono kiiska la xiriira afduubka iyo kufsiga, si ay cadaalad u helaan labada gabdhood ee dhibanayaasha ah, kuwaasi oo da’doou kala ah 3 sano jir iyo 4 jir.

Sidoo kale Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay inay hayaan kiis kale oo kufsi la xiriira oo ka dhacay degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud, halkaasi oo fal kufsi ah loogu geystay gabar 7 sano jir ah, waxaana uu ka digay in odoyaasha dhaqanka ay kiisaska kufsiga si hoose oo waan waan ah ku dhameeyaan.

“Xafiiska xeer ilaalinta marna uma dulqaadan doono tacadiga iyo kufsiga loo geysanayo haweenka”. ayuu hadalkiisa ku daray Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

30-kii Maarso ee sanadkan ayay ahayd markii naxariis laawayaal ay afduub iyo kufsi u geysteen labada gabdhood ee aadka u da’da yar, taasi oo fajac ku noqotay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, waxaana dhawaan guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose uu sheegay inay xabsiga u dhigeen 18 ruux oo falkaasi lala xiriirinayo, kuwaasi oo ay ku socoto baaritaanno dheeraad ah.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *