Muqdisho:Bukaanno cusub oo laga Helay Coronavirus

Published: April 6, 2020

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda caafimaadka ee dowlada Soomaaliya, Maxamed Saciid C/llaahi ayaa walaac ka muujiyey Xaaladda cudurka COVD-19 ee Soomaaliya, iyo cabsida ay ka qabaan inuu ku dhex faafo bulshada.

Maxamed Saciid C/llaahi ayaa sheegay in Labo bukaan oo maalmo ka hor wasaarada Caafimaadku sheegtay in laga helay cudurka COVID-19, mid ka mid ah uu yahay Soomaali ku noolaa gudaha Muqdisho, taasoo uu sheegay inuu kaga duwan yahay kiisaskii ka horeeyey oo dhamaan dadkii laga helay ahaayeen kuwo ka yimid dibeda lana karantiilay inta aysan shacabka dhex gelin.

“Bukaankii ugu dambeeyey ee laga helay cudurka waa Soomaali wax xiriir ah lama lahayn qof qabay cudurka, sidoo kale kama imaan dalka dibaddiisa, bulshada ayuuna ku dhex noolaa, Tani waxay ka dhigan tahay inuu fayrasku haatan ku jiro bulshada dhexdeeda, runtiina walaac badan ayey arintaas nagu abuurtay, maadaama dadkii isaga qaadsiiyey iyo kuwii uu la macaamilay ay weli bulshada ku dhex jiraan, siina qaadsiin karaan dad kale oo fara badan” ayuu yiri wasiirka

U gudbinta bulshada ayuu sheegay wasiirku in micnaheedu yahay in cudurka ku dhex faafay bulshada qaab aan la garanayn, iyadoo bukaanku xiriir la yeelan qof qaba cudurka ama u safrin dibadda.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *