Nuxurka Hadaljeedinta Madaxweyne Deni-DAAWO

Published: April 6, 2020

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadal uu u jeediyay dadweynaha Puntland wuxuu kaga hadlay xaaladihii u dambeeyay ee Puntland

Hadaljeedinta oo aheyd tii kowaad ee Maalinta la hadalka Dadweynaha wuxuu Madaxweynuhu si gaar ah uga hadlay Caabuqa Coronavirus iyo saameyntiisa dhaqaale, Amniga, tayeynta Ciidamada iyo arrimaha Federaalka.

Madaxweynuhu wuxuu bulshada Puntland ku booriyay inay maqlaan oo qaataan fariimaha caafimaad iyo talooyinka ay soo jeedinayaa dhakhaatiirta iyo wasaaradaha caafimaadka Puntland, isagoo sheegay in aad u yartahay awooda dowladda ay kula tacaali karto cudurka Coronavirus haddii uu dad badan uu asiibo.

Wuxuu sheegay in tallaabo degdeg ah oo sharci ah laga qaadi doono saraakiisha iyo shaqaalaha dowladda ee fududeeyo in dalka laga soo geliyo maandooriyaha qaadka ee laga keeno wadamada deriska, waxaa uu sheegay in cudurka coronavirus uu la socdo qaadka la keenayo dalka.

Wuxuu sheegay in cudurka Coronavirus uu ku keenay dowladda iyo shacabka culays dhaqaale oo ballaaran, islamarkaana ayan jirin ilaa hadda dowladda iyo hay’ado gargaar dhaqaale iyo mid agab soo gaarsiiyay Puntland.

https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/1531986603676851/

Dhinaca kale, Madaxweynuhu wuxuu soo dhaweeyay kulankii dhexmaray Madaxweynihii hore iyo Madaxweynaha cusu ee Galmudgu, iyo howlaha dib-u-heshiisiinta ka socoto maamulkaas.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *