Puntland oo Hirgelinaysa Qorshe Lagu Ciribtirayo Jariifka Badda.

Published: April 6, 2020

Wasaarada kalluumaysiga iyo Khyaraadka Puntland ayaa sheegtay inay wado qorshe cusub oo  lagula dagaalamayo kalluumaysiga sharci darada ah.

Wasiirka Kalluumaysiga Puntland oo la hadlay telefishanka dowladda ayaa sheegay inay sanadkan 2020 ay dhaqangelinaynaa qorshe  ay Sanadkii hore dejiyeen oo lagula dagaalamayo Jariifka ka jira xeebaha Puntland.

“Qorshaha aan keenay waa in tobban xarumood in laga dhiso tobban magaalo oo xeebta ku taala Puntland oo dhan, xarun kastana agabkii iyo ciidan la dejiyo, taawarkii iyo isgaarsiintana lagu xiro” ayuu yiri wasiir Cawaash.

Wasiir Wuxuu sheegay in jariif ka socda xeebaha Puntland uu yahay boob  lagu dhacayo hantida  iyo khayraadka ummadu leeedahay,

“Jariifku waa dambi caalami ah, waan sheegnay cid ku baxsan doonta ma jirto, wuxuu lamid yahay argagixisada oo kale,” ayuu hadalkiisu ku daray wasiirku

Maraakiib waaweyn iyo doono shisheeye oo aan haysan ruqsado ayaa ka kalluumaysta xeebaha Puntland oo ah 1600km oo ku teedsan badda Hindiya iyo  gacan cadmeed.

https://www.facebook.com/PuntlandStateTV/videos/597381614458693/

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *