Qoorqoor iyo Xaaf oo Kulmay

Published: April 6, 2020

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi kaariye (Qoor Qoor) ayaa Duleedka Deegaanka Godinlabe si diiran ugu soo dhaweeyey Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Kulankan ayaa noqonaya kii u horreeyay ee dhexmara Qoorqoor iyo Xaaf. xaaf ayaa hore u sheegay inuusan aqoonsanayn doorashadii loogu doortay madaxweynaha Galmudug mudane Qoorqoor, hase yeeshee markii ay xildhibaano Barlamaanka federaalku ay kula kulmeen Galkacayo wuxuu Xaaf aqbalay inuu tanaasulo oo la kulmo Qoorqoor.

Wafdiga Xaaf oo loo sii galbiyey dhanka Caasimadda Dowladd Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa la filayaa inuu wadahadal la yeesho madaxweynaha cusub ee Galmududug, islamarkaana uu ka qaybgalo xaflada Caleemo-saarka madaxweynaha cusub.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *