Ra’isul Wasaaraha UK oo La Dhigay Cusbitaalka

Published: April 6, 2020

Ra’isul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa la dhigay Cusbitaalka kadib markii ay ka soo muuqdeen Calaamadaha cudurka Coronovirus oo 10 maalmood ka hor laga helay.

Xafiiska Ra;isul wasaaraha Downing Street ayaa sheegay in Heerkulkiisu uu aad kor ugu kacay, islamarkaana uu muujiyay calaamadihii cudurka.

“Ra’isul wasaaruhu wuxuu ku nagaan doonaa Cusbitaalka, Talaabadani waa ka horteg” Sidaas waxaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’isul wasaaraha

Xafiisku wuxuu sheegay in ra’isul wasaaruhu uu weli masuul ka yahay howlaha dowladda, hase yeeshee kulanka gollaha wasiirada ee dhicin doona maanta isniin ah waxaa hoggaamin doonaa wasiirka arrimaha dibada ee Uk

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *