Shabeel Laga Helay Corona

Published: April 6, 2020

Shabeel ku jiray xadiiqada Bronx Zoo ee lagu xanaaneeyo xayawaanka ee Magaalada Newyork ayaa laga helay cudurka Coronavirus ee saameeyay caalamka guud ahaan Caalamka

Shabeelkan oo 4 jir, laguna magacaabo Naadiya iyo lix shabeel oo kale ayaa cudurka u soo dhacay iyagoo muujiyay calaamadaha cudurka coronavirus. waxaa la aaminsanahay in ay cudurka ka qaadeen mid ka mid ah shaqaalaha Xadiiqada xawayaanka oo aan isagu muujin wax calaamad cudurk.

Wasaaradda Beeraha ee Maraykanka oo shaacisay natiijada baaritaanka lagu sameeyay Shabeelkan ayaa sidoo kale sheegtay in libaax ku jiray xadiiqada uu u soo dhacay xanuunka Coronavirus.

Shabeelkan ayaa noqonaya xawaayaankii u horreeyay ee laga helo cudurka coronavirus, arrintan ayaa su’aal galinaysaa habka la isugu gudbiyo cudurka iyadoo haatan la ogaaday in bani’aadamo u gudbin karo xawayaanka.

Gobolka New York ayaa ah xudunta cudurka coronavirus ee Mareykanka. Ilaa iyo hadda wuxuu cudurku ku dilay gobolkaasi in ka badan 3,500  qof, iyadoo guud ahaan dalka Maraykanka dhimashadu ay gaadhay 10 kun qof.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *