Ciidamo Loogu Talagalay Ka Hortega Coronavirus oo laga Howlgaliyay Sanaag

Published: April 7, 2020

Guddida Heer Gobol ee ka Hortaga Iyo u diyaar garowga Xannuunka Covid-19 ee Gobolka Sanaag ayaa hawl galiyey Ciidamada amaanka oo ay u xilsaareen inay bulshada ka dareeriyaan goobaha barkulanada ah ee la isugu yimaado si looga taxadiro inuu cudurkani soo galo gobolka sanaag.

Waxaa kulankaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Sanaag Ismaaciil Cabdi Xasan iyo Duqa Magaaladda Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo ku dheeraaday sida ay waajibka u tahay in dadweynuhu aanay isugu iman goobaha Maqaaxiyaha, Marfishyadda, Fiidiyowyada iyo goob kasta oo loo arko inay ka hor imanayso hab raaca ay dejiyeen Guddida Heer qaran ee Ka hortaga iyo u diyaar garowga xannuunka Covid 19, Waxayna Ciidamada ka dalbadeen inay hab degen ula dhaqmaan Dadweynaha.

Waxaa kale oo ka hadlay Isu-duwaha Wasaaradda Warfaafinta,Maxamud Maxamed Xasan Saraaf oo sheegay inay Wasaaradda Warfaafintu iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda distooriga ah ay dadweynaha Somaliland u gudbinayso Wacyigelin ku aadan Xannuunka Coronavirus Waxa uu Isu-duwe Saraaf dadweynaha gobolka Sanaag ku booriyey inay qaataan awaamiirta Guddida heer qaran iyo heer gobol isla markaana ay u dhego nuglaadaan Ciidamada loo xilsaaray inay bulshada ka joojiyaan goobaha la isugu yimaado maadaama ay halis u yihiin faafitaanka xannuunkan.

Waxaa Kale oo Kulankaasi ka hadlay Taliyaha Qaybta Sadexaad ee Ciidanka Qaranka Sareeye Guuto Muuse Jaamac Delef. 

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *