Somaliland oo Sheegtay inay Keenayso Shaybaadhka Lagu Baaro Cudurka Coronavirus

Published: April 7, 2020

Guddida heer qaran ee ka hortaga cudurka Covid-19 ayaa Kulan ay yeesheen oo uu Shir gudoominayay Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland waxay sheegeen inay dhawaan dalka keeni doonaan Shaybaadhka Coronavirus iyagoo awaamiir cusubna soo saaray.

Guddigu waxay sheegeen inay saddexda maal mood ee socda waddanka la keenayo Mishiinka Baadhista Xanuunka Covid-19 (Lap) sidoo kalena hawladeenadiisa lagu soo tababaray waddanka Kenya.

Guddigu waxay kaloo sheegeen in Somaliland ay diyaar u tahay inay ka caawiso baaritaanka coronavirus wadamada deriska ee dagaaladu aafeeyey ee Somaliya iyo Wadanka Yemen

Dhinaca kale, guddigu waxay Ciidamada Booliska iyo Maamulada Dawladdaha hoose ee Dalka ku amartay in tallaabo laga qaado mulkiilayaasha garoomada Kubada Cagta ee gaarka loo leeyahay iyo Meheradaha Ganacsi ee wali furan kuwaasi oo aan u hoggaansamin Awaamiirta Guddida islamarkaana sharciga la horkeeno.

Guddidu waxay go’aamisay kala dirista hawl wadeeno wacyigelineed oo ka kooban 186 –qof iyo 62-Gaadhi oo u kala baxaaya Gobolada iyo Degmooyinka Dalka  kuwaasi oo samayn doona wacyi gelin buuxda.

Guddigu waxay sheegtay in Masuuliyiinta kala ah Afhayeenka Madaxtooyada iyo Maayirka Gabiley oo dhawaan ka yimi Dalka Ingiriiska la mariyey nidaamkii Karintiinka ahaa ee 14-cisho ahaa markii ay dhamaysteena ay is baadheen haddana Xaaladdooda caafimaad ay tahay mid caadiya.

Guddida Heer Qaran ee ka hortaga Xannuunka Coronavirus waxay sheegeen in Ilaa iyo haada aanu jirin cid cusub oo lagu arkay xanuunka COVID 19, gudaha Somaliland, marka laga tago labadii qof ee hore loo shaaciyey.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *