Puntland oo ka Mahadcelisay Agab Caafimaad oo Imaraadku Ugu Deeqay

Published: April 8, 2020

Dowladda Puntland ayaa ka mahadcelisay Agab caafimaad oo loogu talagalay xakameynta iyo ka hortega cudurka coronavirus oo Imaraadku ugu deeqay.

Diyaarad xamuul oo siday agabkan caafimaad ayaa maanta ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Bosaso, halkaasi oo masuuliyiinta Puntland ay kula wareegeen

“Waxaan uga mahadcelinaya Dowladda Imaaraadka gargaarka bani’aadantinimo ee ay nasoo gaarsiisay, oo maanta Boosaaso ka degay, waa agab caafimaad oo loogu talagalay xakameynta iyo ka hortagga Coronavirus” sidaas waxaa yiri madaxweynaha Puntland Siciid cabdullaahi Deni oo qoraal uu ku soo daabacay barta facebooga ee Madaxtooyada.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Xilligan oo adduunka oo dhan uu dagaal kula jiro halista Covid-19 oo si xowli ah ku fidaya, aad loogu baahanyahay in la iska kaashado Ka hortagga Cudurkaasi, isagoo madaxweynuhu ka mahadceliyay taageerada imaraadka

Dowladda Puntland weli si faahfaasan ugama hadlin tirada iyo nooca agabka ee Imaraadku ugu deeqay Puntland.

Imaraadka carabta ayaa noqonaya dalkii u horreeyay ee Puntland soo gaarsiiya agab iyo qalab caafimaad oo loo adeegsanayo ka hortega iyo Baaritaan cudurka Cornavirus.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *