Somaliland Oo Kaalmo Caafimaad Ka Heshay Imaraadka

Published: April 8, 2020

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta mucaawinadii ugu horaysay ee gurmadka xanuunka Coronavirus soo gaadhsiisay Somaliland,

subaxnimadii hore ee saaka ayaa waxaa Garoonka diyaaraha ee Cigaal International Airport kasoo degtay Diyaarada nooca Xamuulka qaada ah oo ka timi Waddanka Imaaraadka, islamarkaana siday mucaawino caafimaad oo isagu jirta Dawooyin iyo qalab lagaga hortago  xanuunka Covid 19.

Wasiirada Wasaaradaha Caafimaadka, Maaliyada, Diinta iyo Awqaafta oo halkaasi ka hadlay ayaa  sharaxaad ka bixiyey Agabka caafiamad ee ay soo dhiibtay Dawladda Isu-taga Imaaraadka Carabta oo noqotay Dawladdii ugu horaysay ee Somaliland soo gaadhsiisa gurmad caafimaad, wakhti dalalka aduunku iska daa inay cid caawiyaane ay diideen yihiin in dalkooda ay ka baxaan agabka caafimaadku.

Wasiirada  ayaa Dawladda Imaaraadka Carabta ugu mahad celiyey mucaawinada soo gaadhsiyeen, iyagoo sheegay inay garwaaqsanayaan xili dunidu kala xidhan tahay in Dawladda Imaaraadka ay Somaliland soo gaadhsiiso iyadoo Dawladdihii adduunyadu kala boobayayaan qalabkaasi.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *