Xoolo dhaqatada Mudug iyo Nugaal oo Lagu Wareejiyay Mishiinada Calafka Xoolaha

Published: April 8, 2020

Dowladda Puntland ayaa 30 Mishiin oo ah kuwa calafka xoolaha sameeya ah ku wareejisey qaar kamid ah xoola dhaqato beeraleyda ku nool gobollada Nugaal iyo Mudug.

Mashruucan oo ay iska kaashadeen Dowladda Puntland, hay’adda Beeraha adduunka ee FAO iyo urur maxali ah ayaa waxaa ka faa’iidaysanaya ilaa 300 qof oo ku nool labada Gobolka.

Jaamac Cabdullaahi Maxamuud oo ka tirsan waaxda horumarinta xoolaha ee wasaaradda ayaa sheegay in qalabkan uu ka caawin doono xoolo dhaqatada beeralayda inay kaydsadaan calafka ay xoolahooda siistaan gaar ahaan xiliyada abaarta lagu jiro.

Qaar kamid ah dadka xoolo dhaqatada beerlayda ah oo ka mahadceliyay qalabkan loogu deeqay ayaa ka codsaday dowladda in sidoo kale laga caawiyo in lagu tababaro sida uu qalabka u shaqeeyo iyo sida looo hagaajiyo oo lo ciladsaaro.

https://www.facebook.com/PuntlandStateTV/videos/960868127676158/

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *