Muuse:madax-dhaqameedka Faraha kala Baxa ka Hadalka Arrimaha Siyaasada

Published: April 9, 2020

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa salaadiinta iyo madax-dhaqameedka Somaliland uga digay inay ku mashquulaan ka hadalka arrimaha siyaasadda oo ay bulshadu cid gaar ah u igmatay, gaar ahaan wadahadalada Somaliland iyo Somaliya

Madaxweynaha oo maanta siwadajir shir jaraa’id ula qabtay madaxda Xisbiyada Mucaraadka Somaliland Wuxuu u sheegay Madaxda dhaqanka, inay u diyaar garoobaan cawaaqibka ka dhasha dariiqyada qalloocan ee ay marayaan,

“Madaxdhaqameedka waxannu ka sugaynaa oo aannu ku waaninaynaa inay ku ekaadaan dhaqankii wanaagsanaa ee ay dadk ku ilaalin jireen, Hadduu ka baxo suldaanku dhaqankii wanaagsanaa iyo wixii loo xilsaartay oo uu bad kale galo, wixii baddaas kaga soo baxa ha u diyaargaroobo,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

Qaar ka mid ah Salaadiinta Somaliland ayaa ka codsaday in madaxda dhaqanka laga qaybgaliyo wadahadalada Somaliland iyo Somaliya, hase yeeshee Muuse biixi wuxuu sheegay in xukuumadda oo kaliya ay u xilsaaran tahay arrimaha wadahadalada Maamulka Somaliland iyo dowladda federaalka Somaliya

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *