TPEC Oo Labo Bilood ku Kordhisay Buuxita Wajiga Labaad ee Shuruudaha Ururada

Published: April 9, 2020

Guddiga doorashooyinka Kumeel gaar ah ee TPEC ayaa muddo labo bilood ku kordhiyay xiliga ay ururada ku soo buuxinayaan Shuruudaha Wajiga 2aad ee laga doonayay.

War-qoraal ah oo ay soo saareen ayay ku sheegeen in mudadiii buuxinta shuruudaha ururada oo ku ekayd 22 ka bishan April laga dhigay 22 bisha June ee Soo socota xaaladaha ka dhashay cudurka coronavirus awgiis.

Qoraalka ay guddigu soo saareen ayaa u qornaa sidatan:

Ka dib baaris iyo qiimayn Guddigu ku sameeyay khatarta Caaquba Corona, waxaa soo baxday in khatarta xanuunkaan iyo fiditaanka uu ku samaynayo geyiga soomaalidu degto, wadamada deriska ah iyo guud ahaan caalamka ay tahay mid sii kordhaysa wallaac badana sii abuuraysa.

Sidaas darteed, Guddigu wuxuu xeeriyay arrimaha soo socda:

1. Guddigu wuxuu u mahadcelinayaa dhammaan Ururada Siyaasadda dadaalada dheeriga ah ee ay wadaan si ay u buuxiyaan shuruudaha wajiga 2aad.

2. Waxaa la kordhiyay xilligii loo asteeyay soo dhamaystirka shuruudaha wajiga 2aad iyada oo algu daray 2 bilood oo ka bilaabmaysa 23/04/2020 kuna eg 22/06/2020.

3. Waxaa la farayaa Ururada inay joojiyaan dhamaan kulamada dadweynaha illaa inta laga xaqiijinayo in khatarta xanuunkaan laga gudbay.

4. Waxaa sidoo kale muhiim ah in Ururadu ay si dhow ula socdaan warbixinada iyo talooyinka Guddiga ka hortagga Caabuqa Corona iyo bahda caafimaadka.

Qoraal rasmi ah oo la xiriira arrintaana waa lala wadaagay dhammaan Ururada Siyaasadda.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *