Sarifleyaasha Hargeysa oo Loo Qaybiyay Agab ay kaga gashaantaan Coronavirus

Published: April 10, 2020

Gudoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland ayaa sarifleyaasha magaalada Hargeysa u qaybiyay agab loogu talo galay inay kaga gashaantaan xanuunka Corona Virus, iyadoo sidoo kale xarumaha baankaas la dhigay qalab kor loogu qaadayo nadaafadda shaqaalaha iyo dadka adeega u tagga baaka.

Qaar ka mida sarifleyaashii agabkaas loo qaybiyay ayaa Masuuliyiinta baanka dhexe ku boggaadiyay talaabadan ay kor ugu qaadayaan caafimaadka bushada, maadaama oo lacaguhu arrimaha ka qayb qaadan kara faafida xannuunkaas.

Cali Jaamac Ibraahin Baqdaadi iyo agaasimaha Axmed Xasan Carwo baanka dhexe ayaa sheegay in arrintani ka qayb tahay dadaalada xukuumadda Somaliland ee ku saabsan ka hortagga iyo u diyaargarawga xanuunka caalanka dhibaada badan ku haya ee Corona Virus.

Masuuliyiinta baanku waxa kale oo ay sheegen in xarumaha baanka dhexe dadweynaha baanka yimaada iyo shaqaalahaba loo diyaariyay goobo nadaafadeed, kuwaas si kor loogu qaado fayo-dhawrrka iyo caafimaadooda, waxaanay bulshada u soo jeediyeen inay u hogaansamaan talooyinka guddida heer qaran ee ka hor tagga iyo u diyaargawga xanuunka Corona Virus.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *