Al-salaam Group oo 10kun oo dollar ku wareejisay Gudigga ka hortagga Covid-19 ee Puntland.

Published: April 10, 2020

Gudigga ka hortagga Caabuqa dunidda kusii faafaya Covid-19 ee Puntland ayaa kulan ka dhacay Magaalada Boosaaso waxa uu dhaqaale dhan 10kun oo dollar oo loogu tabarucay gudigga kala wareegay Al-Salaam Group, Salaam ayaa ah shirkad ka shaqaysa maalgelinta dhismayaal ganacsi oo xaafado cusub oo Boosaaso ku yaal laga hirgelinayo, Qayb ka shaqaysa Arimaha Samafalka, dhismayaasha, horumarinta bulshada, Macad Cilmi-baaris iyo goobo kale oo adeegyada bulshada looga shaqaynayo.

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Axmed oo ku hadlayay magaca Al-salaam Group ayaa sheegay in dhaqaalahaan ay uga qayb-qaadanayaan sidii ay bulshada u bad-baadin lahaayeen iyo sidii kaalin xoog leh looga qaadan lahaa ka hortagga caabuqa Carona-Virus, waxa uu xusay in lacagtaan ay bixisay qaybta samafalka iyo xalka waara ee Al-Salaam Group.

Kulankaan waxaa xagga dawlada Goob-joog ka ahaa Wasiirka Caafimaadka Puntland, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Wasiiru dawlaha Arimaha Gudaha, Gudoomiyaha Gobolka Bari, Taliska Qaybta Gobolka Bari.

Waasiirka dekedaha Puntland Majiino, Wasiiru-dawlaha Arimaha Gudaha Kulan Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamed Abwaan, Taliyaha qaybta Gobolka Bari Xuseen Cali iyo Masuuliyiin kale ee dawlada ayaa bogaadiyay Shirkada Al-Salaam Group sida ay bulshadooda dhaqaalaha xiligaan muhiimka u ah ugu hureen, sidoo kale waxay ka sheekeeyeen dadaalada ay dawladu waddo ee looga hortagayo Covid-19 iyo saamaynta uu dunidda ku yeeshay.

Masuuuliyiinta madasha ka hadashay waxay sidoo kale u mahad-naqeen maamulka cusbitaalka Al-Mazraouq oo adeegyo caafimaad u fidayay bulshada gaar ahaan dadka aan dhaqaalaha badan haysan.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax ayaa sheegay in lacagtaan ay tahay midii ugu horaysay ee gudigga loogu deeqo tan iyo markii la aasaasay, Maamulka iyo Shirkada Al-salaam Group ayay ku bogaadiyeen tusaalaha ay u noqdeen Ganacsatada Puntland, waxa uu sheegay in dawrkii dadweynaha iyo Ganacstaada weli la dhawrayo.

Ugu danbayn wasiirku waxa uu sheegay in lacagahaan loo isticmaali doono sidii loo dhisi lahaa loona qalabayn lahaa goobo cusub oo lagu karantiili doono cidii laga helo caabuqa Covid-19.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *