Sarkaal ka tirsan Hay’ada Socdaalka oo lagu dilay Magaalada Gaalkacayo.

Published: April 11, 2020

Waxaa Magaalada Gaalkacayo ay dablay hubaysani ku dishay Cismaan Xuseen Xaaji Ismaaciil (Farey)  oo ka tirsanaa Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya laanteeda Gaalkacayo, Dablayda dilka gaysatay ayaa goobta isaga baxsatay.

Ciidamada Dawlada Puntland ayaa baaritaano ka bilaabay halka uu falkaan ka dhacay, mana jirto ilaa iyo hadda cid loosoo qabtay, Sidaan oo kale dhawaan ayaa Magaalada Gaalkacayo waxaa lagu dilay sarkaal ka tirsan wasaarada Maaliyada Puntland.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *