Beesha Caalamka oo Shabaab Ugu baaqday iney joojiyaan Rabshadaha Si Loola tacaalo COVID-19

Published: April 12, 2020

Saaxiibada Caalamiga ah ee Somaliya ayaa qoraal ay si wadajir ah u soo saareen waxa ay ku bogaadinayaan dowladda Soomaaliya dedaallada ay ku dooneyso iney ku xakameyso in cudurka COVID-19 uu ku baaho dalka

Qoraalka waxay ku sheegeen in iyadoo la ayidayo Baaqii Xoghayaha Qaramada Midoobay ee dalbanayay in Xabd Joojin dunida oo dhan in dhammaan kooxaha ku lug leh colaada Soomaalida ay joojiyaan rabshadaha

““Waxaan ugu baaqeynaa Al-Shabaab iyo kooxaha kale iney joojiyaan rabshadaha, iyo ficillada argagixinimo si loo suurtogeliyo in gargaarku uu gaaro kuwa u baahan,”Sidaas waxaa lagu yiri qoraalka

Dhinaca kale, Beesha Caalamku ayaa ugu baaqday in dowladda federaalka ee Muqdisho iyo dowlad goboleedyadu ay u midoobaan sidii looga hortegi lahaa faafintaanka cudurka coronavirus, islamarkaana ay soo afjaraan khilaafyada jira

” haddii laga furan waayo kulamada dowlada, kuwa maamulada goboladda iyo shirarka baarlamaankaba waa inay noqdaan kuwo qaab digital ah loo qabto” ayaa lagu yiri qoraalka

Qoraalka beesha caalamka waxaa kaloo lagu xasuusiyay waajibaadka iyo masuuliyada Masuuliyiinta Somalida iyo Milkiilayaasha Dhulka ay barakaceyaashu deggan yihiin ay gabi ahaanba joojiyaan in dadkaasi laga saaro xeryaha ay deggan tihiin mudada lagu jiro dagaalka ka dhan ah faafitaanka cudurka COVID-19.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in 21 qof cudurka Coronavirus ku dhacay, halka Labo qof ay u dhintee, midna uu ka bogsaday. Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa warbixino ka madaxbanaa mida federaalka si joogto uga soo saaro Hargaysa iyo Garoowe.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *