Dhabancad ”Doorashada oo dib-u-dhacda dalka waxay gelin doontaa degenaansho la’aan”

Published: April 12, 2020

Maxamed Cabdiraxmaan Dhaban-cad Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland oo shir ku qabtay Magaalada Gaalkacayo ayaa sheegay in aragtida Puntland ee doorashooyinka soo socda ay tahay in waqtigeeda ku qabsoonto, sidoo kale waxa uu sheegay in madaxda DFS iyo maamulada dalka ay isu yimaadaan si laysula meel dhigo Arimaha Doorashooyinka.

“Doorashada Soomaaliya oo dib u dhacda, iyada oo xanuunkan lagu marmarsiiyoonayo, waxay dalka gelindoontaa degonaansho la’aan dalka, waa in loo diyaar garoobaa dalka in ay doorasho ka dhacdo xiligeeda, si looga hortago in dalka uu galo carqalad xagga dastuurka ah” ayuu yiri Dhaban-cad.

Ugu danbayn Wasiirku wuxuu sheegay in dadaalkana looga hortago cudurka Covid-19 gacan lagu waddo dhinaca kalena laga shaqeeto sidii doorasho loo qaban-lahaa. waxa uu tilmaamey in wixii dhibaato ah oo yimaada ama xaaladu ay faraha ka baxdo in laysugu yimaado wax isla-ogol ah layslana qaato.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *