Maraykanka oo tirada dadka u dhintey Coronavirus ay ka sara martay dalka Talyaaniga.

Published: April 12, 2020

Waxaa Saacadihii lasoo dhaafay kor u kacay tirada dadka ah ee cudurka Carona-Virus ugu dhimanaysa Dalka, Dad gaaraya 19,701 ruux ayaa ugu dhintey cudurkan Covid-19 dalka Maraykanka iyadoo dalka Talyaaniga dadka uu diley cudurkan ay gaareysay 19,468. tan ayaa si rasmi ah u xaqiijinaysa in Dalka Maraykanka uu tirada dhimashada uga kor maray Dalka Talyaaniga.

8,600 ayaa ku dhintay Magaalada New-York sida hay’ada caafimaadka ay xaqiijiyeen, sidoo kale cudurkan ayaa soo ritey dad gaaraya shan boqol oo kun oo ruux halka dalka Talyaanigana ay ka tahay 150,000 ruux dadka loo jiifiyay caabuqa Covid-19.

107,000 ayaa Guud ahaan caalamka u geeriyootay cudurkaan Carona-virus, waxaana sidoo akle uu haleelay dad gaaraya 1.7 million,Sidoo kale waxaa jira Dad ka bogsaday cudurkaan kuwaas oo tiro ahaan dhan 40kun oo qof.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *