Puntland oo Kordhisay Saacadaha Shaqada ee Dekeda Bosaso

Published: April 12, 2020

Wasaaradda maaliyadda Puntland ayaa kordhisay saacadaha Shaqada ee kastamka cashuuraha ee dekeda magaaladda Bosaso

Maamulaha Furddadda Boosaaso Maxamed Yuusuf oo la hadlay warbaahinta waxaa uu sheegay in la kordhiyay saacadihii la qaadi jiray canshuurta badeecadaha ka soo dega, kana dhoofa dekeda Bosaso

” waxyna madaxda Wasaaradda Maaliyaddu ku soo kordhisay shaqayn saacado dheeri ah oo macnaheedu yahay in xilli walba ay shaqadii furdadda Boosaaso shaqayneeyso halkii awal 5ta galabnimo ay cashuurta badeecooyinku joogsan jirtay” ayuu yiri maamulihu

Maamulaha Furddadda Boosaaso Maxamed Yuusuf

Maamuluhu waxa kaloo uu sheegay in habka cusub ee Computeraysiga ee lagu soo kordhiyay Dekeda uu isbedel weyn uu ku keenayn qaabka shaqada ee Dekeda,taasi oo cashuur bixiye kasta ay ku qaadato daqiiqado kooban ka dibna badeecaddiisa uu la boxo.

Toddobaadyadii la soo dhaafay waxaa Dekeda Bosaso ku soo xirtay Doonyo iyo Maraakiib sida badeeco kala duwan, taasi oo keentay in shaqada Dekedu mashquul noqoto.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *