Wasiirka ka tirsan Maamulka Hir-Shabeele oo u geeriyooda Covid-19.

Published: April 12, 2020

Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Cadaaladda Hirshaballe kana mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle Khaliif Muumin ayaa Goordhow ku geeriyooday Magaalada Muqdisho ka dib markii uu la xanuunsanaa Cudurka Covid 19.

Xildhibaan Khaliif ayaa ka mid ahaa 9 ruux oo maalin ka hor Wasaaradda Caafimaadka ay xaqiijisay in laga helay cudurka Coronavirus.

Wasiirka ayaa noqonaya qofkii labadaa ee cudurkaan ugu geeriyooda gudaha wadanka, Khaliif Muumin waxa uu ka mid ah jaaliyada soomaaliyeed ee UK.

Dhinaca kale, Wasiirka caafimaadka ee dowladda Federaalka Fowsiya Abiikar Nuur waxay sidoo kale sheegtay in laba kamid ah bukaannada COVID-19 ee lagu baxnaaninayo Isbitaal De-Martini ay xaaladdoodu darantahay ayna u baahanyihiin daryeel dheeraad ah.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur  waxay ku celisay in Xanuunku si aayar ah ugu faafayo bulshada dhexdeeda, lagana helay dad dhawaanahaan aan safrin, xiriirna aan la sameyn qaar ka mid ah dadka la xaqiijiyay in cudurka laga helay sidaa darteed ay muhiim tahay in la raacao fariimaha iyo talooyinka caafimad ee ay kamidka yihiin in guryaha  la joogo, in la kala fogaado oo labo mitir la’isu jirsado, In la joogteeyo fara-xalka iyo in la joojiyo Salaanta gacan qaadka ah.

HORSEEDMEDIA


Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *