Bandow lagu soo rogey xilliyada habeenkii magaalada Muqdisho

Published: April 13, 2020

Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar), Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed, ayaa ku dhawaaqay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay go’aamisay laga bilaabo fiidnimada Arbacada ah, April 15, 2020 in magaalada Muqdisho lagu soo rogo bandow ka bilaabanaya 8:00 Fiidnimo, kuna eg 05:00 Subaxnimo.

Gen Xajaar, waxuu sidoo kale sheegay in Bandowgu uu saameynayo isu-socodka dadka iyo gaadiidka, ganacsiga, marka laga reebo dukaamada cunnada qalalan laga iibsado iyo xarumaha caafimaadka sida farmashiyayaasha iyo isbitaallada.

Taliyaha Ciidamada Booliska ayaa sidooo kale dadka ka codsaday inay bandowga u hoggaansamaan, si dadka looga badbaadiyo cudurkan khatarta badan, waxa uu sheegay in Ciidamada amniga la faray inay dadka xanuunsanaya ee xaaladaha deg-degga ah lasoo gudboonaadaan ay u fududeeyaan gaaritaanka goobaha caafimaadka si ay u helaan daryeelka ay u baahanyihiin.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *