Deni Oo Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Ku-xigeenadiisa

Published: April 13, 2020

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu ku magacaabay guddoomiyaha gobolka Nugaal iyo Ku-xigeenadiisa.

Madaxweynuhu wuxuu Cawil Axmed Maxamed u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, ku xigeenka 1aad ayuu madaxweynuhu u magacaabay Qaasim Maxamed Cabdi, halka ku-xigeenka labaad ee gobolka loo magacaabayo Xuseen Xaaji Cabdulle.

Magacaabista guddoonka gobolka Nugaal ayaa imaanaysa kadib marii 29 bishii March ee sanadkan qarax ismiidaamin ah lagu dilay guddoomiyihii hore ee gobolka Alle naxariistii janno ha siiyee Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir),

Wareegtada Madaxweynaha ayaa u qornayd

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr.30 April 13,2020 ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Ku-xigeenadiisa.

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Puntland:-

Markuu arkay: Dastuurka Dowlad goboleed Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Maamul ee Gobolka Nugaal.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Cawil Axmed Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal
  2. Waxaa Qaasim Maxamed Cabdi loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Nugaal
  3. Waxaa Xuseen Xaaji Cabdulle Maxamed loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Nugaal

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *