Dfs oo Diiwaan Gelisay 35 Kiis oo Cusub oo Cudurka Coronavirus

Published: April 13, 2020

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 35 kiis oo cusub oo ah cudurka COVID-19 ah 24kii saac ee ugu dambeysay.

Kiisaska cusub 32 kamid ah waxay ku suganyihiin magaalada Muqdisho, labo waxaa laga diiwaan geliyay Hageysa, Booramana waxaa laga helay qofkii ugu horreeyay sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda caafimaadkaa dowladda federaalka

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa warbxinta maalinlaha ah ee arrimaha COVID-19 ku sheegtay in Xaaladaha maanta soo kordhay ay tirada guud ee dadka laga diiwaan geliyay ka dhigayaan 60 xaaladood.

52 kamid ah bukaannada xaaladdooda caafimaad aad ayey u wanaagsan tahay waxa ayna ku karantiilan guryahooda, sedax kamid ah waxaa lagu baxnaaninayaa Isbitaal De-Martini, iyada oo qofka kale uu ku jiro xarun caafimaad oo ku taalla Xalane.

https://www.facebook.com/plugins/post.php?href=https%3A%2F%2Fwww.facebook.com%2FWasaaraddaCaafimaadkaSoomaaliya%2Fposts%2F2702522219870946&width=500

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur waxay ugu baaqday dadka inay guryahooda joogaan hadii aysan jirin arrimo muhiim u ah nolosha, dadkuna kala fogaadaan ugu yaraan laba mitir, taxadar gaar ahna la siiyo dadka da’da ah iyo dadka qabad cudurada daba dheeraada.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *