Xaaf oo ugu dambeyn xilka ku wareejiyay Madxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor.

Published: April 13, 2020

Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa munaasabad xalay ka dhacday Magaalada Dhuusa-mareeb waxa uu si rasmi ah ugu wareejiyay xilkii madaxweynaha Galmudug ee dhawaan la doortay Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor.

Xaaf ayaa ka mid ahaa dhinacyadiii diidanaa doorashadii ka dhacday Galmudug balse Madaxweynaha Galmudug ee Cusub Qoor qoor ayaa dadaal iyo juhdi geliyay sidii dhinacyadda ku kala aragti duwanaa doorashada uu ula fariisan lahaa uguna qancin lahaa dhismaha maamul loo dhan-yahay.

Madaxweyne Xaaf oo fadhigiisa ahaa Gaalkacyo ayaa si weyn u diidanaa hannaankii doorashada ee ay garwadeenka ka aheyd dowladda Federaalka ee lagu doortay Axmed Qoorqoor, isagoo ku adkeystay inuu yahay Madaxweynaha sharciga ah.

Xaaf ayaa markii dambe wada hadal ogolaaday, waxaana waan waan ay galeen Xildhibaano ka tirsan labada Gole, siyaasiyiin iyo xubno kale suurta gashay inuu aqbalo inuu tago Dhuusamareeb oo uu xilka wareejiyo, isla markaana caddeeyay in Galmudug ay mid tahay.

Xaaf ayaa xalay si rasmi ah xilkaas u wareejiyay waxa uuna sheegay in dawlada la shaqayn doono, Sidoo kale DFS ayuu ugu baaqay in Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ay Galmudug u roonaato, maadama uu sheegay in dhawr sano ay cuna-qabataysay.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *