XOGHAYE CUSUB OO LOO MAGACAABAY GUDDIGA DOORASHOOYINKA PUNTLAND.

Published: April 14, 2020

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, ayaa war-saxafdeed ay soo saareen waxay ku magacaabeen Xoghayaha Guud ee Guddiga, kadib kulan ay ku yeesheen Xaruntooda Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland.

Ubax Cabdullaahi Abshir ayay gudiggu isku raaceen in loo magacaabo xilka Xogahayaha Gudigga KMG ee Doorashooyinka Puntland {TPEC}, Ubax waxay Shahaahada Heerka Labaad ee jaamacadda ka haysataa Dhaqaalaha iyo Maamulka Dowladda, waxaana ay in ka badan 15-sannadood la soo shaqeysay Hay’ado Dowladeed iyo kuwa gaar loo leeyahay.

Xogahayaha Cusub ee ayaa bedelaysa Liibaan Saalax Maxamuud (Gegiroor) oo xilkaasi loo magacaabay 24 November 2016, islamarkaana la soo shaqeeyay Guddigii hore ee Doorashooyinka Puntland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *