Dfs ayaa Cashuur Dhaaf u Samaysay Raashinka Ka Soo Dega Dekeda Muqdisho

Published: April 14, 2020

Dowladda federaalka ee Somaliya ayaa maanta ku dhawaaqay inay canshuur dhaaf u samaysay cunnooyinka quutul daruuriga ah ee ka soo dega dekeda magaaladda Muqdisho

Raashinka canshuur dhaafka loo sameeyay waxaa kamid ah Bariiska iyo timirta oo loo sameeyay canshuur dhaaf dhan 100%, iyo Burka iyo saliidda oo loo sameeyay canshuur dhaaf gaaraya 50%, sida uu sheegay wasiirka Maaliyadda Federaalka c/raxmaan Bayle oo la hadlay telefishanka dowladda.

Wasiirku wuxuu sheegay in tallaabadan loo qaaday , si looga hor tago koror ku yimaada qiimaha maciishada, oo aysan saameyn ku yeelan tallaabooyinka looga hortagayo faafidda cudurka Covid19.

https://www.facebook.com/sntvnews/videos/895068554292074/

Dowladda Federaalka ayaa waxay gacanta ku haysaa Dekeda Muqdisho oo ay inta badan ka soo degaan raashinka. Go’aanka dowladda federaalku wuxuu saamayn toos ah ku yeelan doono maamuladda koonfurgalbeed, iyo Hirshabelle oo si toos ah ugu xiran raashinka ka soo dega Dekeda Muqdisho,

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *