Guddiga Qaran ee ka-hortagga COVID-19 oo kulan degdeg ka Yeeshay xakameynta Covid-19.

Published: April 14, 2020
Sawir Hore

Xubnaha guddiga Qaran ee ka hortagga Covid-19 ayaa sheegay Kulan ka dhacay xagga khadka internet-ka (video conference) waxaana looga hadlay wax ka qabashada xaaladaha taagan, dadaallada naf-badbaadinta, muhiimadda ay leedahay wacyi-gelinta bulshada iyo gargaaridda dadka nugul ee cudurku uu ku yeelanayo saameynta dhaqaale.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo shirka guddoomiyay ayaa faray wasiirrada Qorsheynta, gargaarka iyo arrimaha gudaha in Hey’adaha dalka ka howl gala ay ku war geliyaan inay gargaaraan dadka danta yar ee dhibaatadu kasoo gaareyso saameynta COVID-19.

Guddiga ayaa kulanka kusoo bandhigay warbixinnadii ugu dambeeyay ee xaaladda COVID-19 ee dalka, dadaallada loogu jiro xakameynta faafitaankiisa, caqabadaha iyo fursadaha jira, waxaana la isku raacay in la dardar geliyo dadaallada socda, hannaan wadajir ahna loo abbaaro kahor-tagidda khatarta bulshada uga imaan karta cudurkaan safmarka ah.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka codsaday inay qaybtooda ka qaataan kaalmeynta dadka nugul. sidoo kale waxa uu guddiga faray in sare loo qaado wacyi gelinta bulshada iyada oo ay ka qayb qaadanayaan Culimada, dhaqaatiirta iyo dhammaan dadka indhaha u ah bulshada, si dadka Soomaaliyeed ay wax badan uga ogaadaan cudurka, ayna qayb uga noqdaan dadaallada lagu xakameynayo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *