Imaaraatka iyo WHO oo Soomaaliya ugu deeqay Qalab caafimaad oo lagula tacaalo Corona virus

Published: April 14, 2020

Dowlada Imaaraatka Carabta, oo kaashaneysa hey’adda Qaramada midoobay u qaabbilsan caafimaadka ee (WHO) ayaa waxay Somaaliya u soo dirtay Diyaarad gargaar oo sidda 27 tan oo ah Agab caafimaad ah oo lagula tacaalo cudurka Corona Virus.

Diyaaraddan ayaa sidday 7 tan oo gargaar ah oo ay Dowladda Imaaraadku ugu deeqday Soomaaliya, iyo 20 tan oo (WHO) uga deeqay Soomaaliya, iyadoo Agabkaan Caafimaad lagu wareejiyay Wasaaradda caafimaadka ee DFS.

Deeqdan ayaa waxa ay Dowladda Somalia ka caawineysaa in ay qalabeyso goobaha lagu daweeyo dadka uu soo rito xanuunka Corona virus iyadoo sidoo kale u suura galin doonta shaqalaha cafimaadku iney si dardar leh ula tacaalaan cudurkan.

Safiirka Dowladda Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Danjire, Mohammed Ahmed Al-Othman Al Hammadi, ayaa sheegay in Dowladda Imaaraadku ay taageero buuxda la garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka soomaaliyeed xilligaan adag si loo xoojiyo dadaallada looga hortagayo COVID-19.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *