Madaxweyne Deni oo Cafis u Fidiyay 194 Maxbuus

Published: April 14, 2020

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu cafis u fidiyay 194 maxbuus oo ku jira xabsiyada Puntland.

Maxaabiistan oo ah kuwa galyay dambiyo fudud ayaa sii dayntooda waxa ay la xiriirtaa khatarta cudurka Coronvirus ee Caalamka guud ahaan Sameeyay sida uu sheegay afhayeenka xukuumadda Puntland Jaamac Depereni

“Si loo yareeyo khatarta Caafimaad ee #COVID__19 ee ka dhalan karta Xabsiyada Puntland, Madaxweyne Deni wuxuu Cafis Madaxweyne u fidiyey 194 maxbuus oo ka mid ah maxaabiista danbiyada fudud u xiran, kuwaasi oo ku jira Xabsiyada Puntland” Sidaas waxa yiri Jaamac Deperani

Dhinaca kale, Guddiga ka hortega Covid-19 ee Puntland waxay kordhiyaan waqtiga ehelada maxaabiista ku xiran xabsiyada aysan soo booqan karin taasi oo laga dhigay ilaa 30 bishan April

Waribixinadii u dambeeyay ee cudurka Coronavirus ayaa sheegay in labo qof cusub laga helay cudurka Coronavirus, taasi oo tirada guud ee dadka qaba cudurka ka dhigaysaa 62 qof. Labada qof ee cudurka laga helay ayaa ku sugan magaaladda kismaayo.

Somaliya waxaa cudurka Coronavirus ugu dhintay labo qof, waxaana cudurka ka dawoobay labo qof oo kale.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *