Somaliland oo Sheegtay in Covid-19 Uu saameyn Ku Yeelanayo Miisaaniyada 2020

Published: April 16, 2020

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in cudurka coronavirus uu saamayn doono odoroska miisaaniyad sanadeedka 2020 oo la dejiyay Sanadkii hor ee 2019ka

Wasiirka wasaarada horumarinta maaliyada ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa shirkii golaha wasiirada ee Somaliland waxaa uu warbixin ka siiyey saamaynta dhaqaale ee uu xanuunku ku yeeshay guud ahaan dhaqaalaha dunida, gaar ahaanna Somaliland, isagoo wasiirku caddeeyey in xanuunkani saameeyey mala’awaalka miisaaniyad-sanadeedka qaran ee 2020, sababina karo hoos udhac dhaqaale, sidaa awgeed la tashiili doono miisaaniyada dalka, iyadoo dawladduna qorshe ka yeelan doonta saamaynta dhaqaale ee xanuunkani bulshada ku keeni karo. .

shirkan gollaha wasiirada oo uu shirgudoominayay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxaa lagaga hadlay xaalada xanuunka covid 19 ee Somaliland. Wasiirka caafimaadka Cumar Cali Cabdilaahi oo gollaha warbixin siiyay wuxuu sheegay in baadhitaanno lagu sameeyey dad looga shakiyey xanuunka, tirada rasmiga ah ee xanuunka laga helayna tahay shanti qof ee hore loo shaaciyey, iyada oo laba qof oo laga shakisan yahana jawaabta shaybaadhkooda la sugayo.

Wasiirku waxa uu xusay in gobol walba iyo xuduudaha dalka ay ka hirgeliyeen goobo u gaara xanuunka oo ay ku sugan yihiin hawl-wadeenada caafimaadku.

Shirka gollaha wasiiradda Somaliland ayaa maanta oo khamiis ah ku qabsoomay habka maqalka iyo muqaalka, iyadoo golaha wasiirraduna shirka kaga qaybgaleen xafiisyadooda, taas oo ka mid ah talooyinka caafimaad ee xanuunka Covid-19, lagaga hortegi karo, si looga feejignaado

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *