Tirada Dadka u Geeriyooday Coronavirus oo Gaadhay 140 Kun.

Published: April 17, 2020

Tirada dadka u dhintay cudurka Corovirus ee caalamka guud ahaan ayaa kor u dhaaftay 140 kun qof sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Jaamacada Hopkins University ee dalka Maraykanka.

Cudurka Covid-19 ayaa tirada dadka uu ku dhacay waxay kor u dhaaftay labo Milyan oo qof, waxaana ilaa hadda ka bogsooday dad gaaraya 532,000 kun oo qof guud ahaan adduunka.

Dalka Maraykanka ayaa tirada dadka u dhintay Cudurka waxay gaadheen 35 Kun qof, Wadamada kale uu saameeyay waxaa ka mid ah dalka Talyaaniga oo dadka cudurka u geeriyooday ay gaadheen 22 Kun.

Wadamada Faransiiska,Ingiriiska iyo spain ayaa tirada dadka cudurka uga geeriyooday waxay kor u dhaafeen 40 Kun qof iyadoo guud ahaa uu cudurku saameyay 185 wadan oo caalamka guud ahaan

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *